717 Views

Jubbaland oo shaacisay Magacyada qaar kamid ah Musharixiinta Aqalka Sare

Jubbaland oo shaacisay Magacyada qaar kamid ah Musharixiinta Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Guddigga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Gobaleed ee Jubbaland oo si rasmi ah u shaaciyay qaar kamid ah liiska xubnaha ku tartami doona doorashada aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Guddiga hrgelinta dorashooyinka u gudbiyay  qaar kamid ah liiska xubnaha ku tartami doona doorashada aqalka sare qeybta Jubbaland.

Xubnaha uu Axmed Madoobe gudbiyay oo gaaraya 9 Xubnood, waxaana kujira Siyaasiyiin Xaan ka ah deegaannada Jubbaland, waxaana musharixiinta ay ala yihiin.
Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Axmed Maxamed Jaamac

Xalimo Jaamac Maxamed

Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

Ilyaas Badal Gaboose

Maxamed Axmed Sayid
Sharmake Maxamed Cabdi

Ibrahim Yacquub Ismaacil

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post