363 Views

Koox hubeysan oo Sarkaal Booliis ah ku diley Caasimadda.

Koox hubeysan oo Sarkaal Booliis ah ku diley Caasimadda.
____________________________________________________________________________

Koox baaskoolado ku hubeysan ayaa diley nin ka tirsanaa ciidanka Booliska oo lagu sheegay in uu ahaa Sarkaal, dilka ayaa ka dhacay meel ku dhaw xeradii hore ee ciidanka Xoogga dalka ee 77 la dhihi jirey.

Askeriga la diley ayaa magiciisa lagu sheegay Cali Xasan Siyaad oo ku magac dheeraa (Tariin).

Kooxda dilka u geystey ayaa horey u sii qaatey baaskoolad uu watey askeriga la diley, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobta ku dhawaa ee degmada Dayniile magaalada Muqdisho. Askeri madaxa laga toogtey ayaa isla goobta ku nafbaxay.

Ciidamo Boolis ah ayaa tegay goobta dilku ka dhacay, waxaana ay sameeyeen hawlgal lagu baadi goobayo kuwii dilka geystey.

Waxaa horey hoos ugu dhacay dilalka madax-jebiska ay u yaqaanaan al-Shabaabku, kadib markii ciidamo badan oo dharcad ah iyagii ugaarsadeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post