1515 Views

Sawirro:-Wasiir Goodax Oo Maalintii 2-Aad Kormeeray Xarumaha Imtixaanka

Sawirro:-Wasiir Goodax Oo Maalintii 2-Aad Kormeeray Xarumaha Imtixaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maalintii labaad kormeer ku tagay xarumaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga Dugsiyadda sare ee dalka.

Wasiir Goodax ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya mudane Axmaed Xasan yuusuf iyo Taliye ku xigeynka Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda DFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku bilaabay iskuulka 15 may iyo jaamacadda city iyo xarumo kale oo ku yaalla Gobalka Banaadir, halkaas oo imtixaan ay u fadhiyeen ardayda dugsiga sare.

Wasiirka iyo Taliye ku xigeynka Ciidamada Xooga Soomaaliyed S/ Gaas Cabdi xasan Maxamed ayaa qol qol u galay fasallada imtixaanku uu ka socday waxa ayna la hadleen ardayda oo ay wax ka weydiyeen habka uu imtixaanku u socdo .

Taliye ku xigeenka Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ardayda kula dar daarmay in ay meel sare ka gaaraan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax barre ayaa waxa uu ardayda kala hadlay qeymaha ay leedahay waxbarashada iyo arday waxbartay iyo arday aan wax baran sida ay u kala wanaagsan yihiin.

Maanta oo ah maalintii labaad ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya si habsami ah uga socdo Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment