849 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gudbiyay boos ka dhinaa kuraasta Aqalka Sare

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gudbiyay boos ka dhinaa kuraasta Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 21, 202

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa daahfurtay Ololaha Sagaalaad ee Daaweynta Isku-furanka Haweenka oo Isbitaalka degmada Dayniile ay ka fulin doonaan dhakhaatiir u dhashay dalka Sudan.

Safarka Samafal ee dhaqaatiirtan oo u dhashay dalka Sudan, kuna taqasusay qaliimada isku-furanka haweenka, ayaa ka soo biloowday dalka Sudan, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuso dhaweeyay ma’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Madaxda Hey’adda PAC oo fulinta mashruucan mas’uul ka ah.

Soo dhaweynta kadib Wafdiga dhaqaatiirta ayaa xaruunta Wasaaradda Caafimaadka kulan kula qaatay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ay ka wada hadleen qaabka loo fulin doono qalinka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay In loo baahanyahay In la helo xalwaara oo looga hortagayo isku furanka oo dhibaato aan la koobi karin ku haya dumarka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Hey’adda PAC ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in ololaha Sagaalaad ee daaweynta xanuunka dhibaatada haweenka ku haya ee isku-furanka ay ka faa’iideysan doonaan ku dhawaad laba boqol oo bukaan.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ubax Faarax Axmed ayaa xustay inay ka Wasaarad ahaan ka go’antahay sidii looga hortagi lahaa xanuunkan oo ay sheegtay inuu u baahanyahay in haweenka laga wacyigeliyo.

Madaxa dhaqaatiirta ka timd dalka Sudan Professor Aadan Saalax Maxamadeyn ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,, wuxuuna sheegay inay halkan u yimaadeyn inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Intaa kadib dhakhaatiirta iyo mas’uuliyiinta kale ayaa gaaray Isbitaalka Dayniile, halkaas oo loogu sameeyay munaasabad kooban oo soo dhaweyna, dhakhaatiirta ayaana saacado kooban kadib bilaabay qaliimada iyo la tacaalidda bukaanadii ugu horeeyay ee la dhibaatoonayey xanuunka Isku-furanka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post