993 Views

Waxgaradka Mudulood oo deeqa is kugu jiro Xoolo Raashin, Kitaabo Quraan, oo ay ugu tala galeen tacsida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ku wareejiyey gudiga tacsida Ugaaska.

Waxgaradka Mudulood oo deeqa  is kugu jiro Xoolo Raashin, Kitaabo Quraan, oo ay ugu tala galeen tacsida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ku wareejiyey gudiga tacsida Ugaaska.
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Waxgaradka iyo Odoyaasha Beesha Mudulood oo u hogaaminayay Imaamka guud ee Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud ayaa Maanta deeqa kala duwan oo is kugu jiro Xoolo Nool, Raashin, Kitaabo Quraan, oo ay ugu tala galeen tacsida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ku wareejiyey gudiga tacsida Ugaaska.

Shiikh ibraahin Weedow iyo Shiikh Muuse Cagaweyne oo ku hadlayey Magaca Beesha Mudulood ayaa faah faahin ka bixiyey waxaa ay is kugu jireen deeqda maanta gudiga ku wareejiyeen gudiga.

“Waxa maanta halkan u joognaa inana idiinku wareejino deeq isugu jirta Xoolo nool, Raashiin iyo Kitaaba Qur’aan oo aynu ugu tala galnay in loo waqfo ugaas Xasan ugaas Khaliif, waxana idiinla qeybsaneyna xanuunka geerida ugaas Xasan ugaas Khaliif.”

Gudoomiyaha Gudiga tacsida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Nabadoon Cilmi Siyaad, Nabadoon Cabdixakiin Waariye iyo Nabadoon Faarax Raage ayaa kala wareegay Deeqdan kala duwan waxaana ay aad ugu mahad Ciliyen odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood.

Ugu danbeyn Imaam ka guud ee Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud ayaa ugu danbeeyn ka duceeyey goobta waxaana uu dhamaan u mahad ciliyey ciliyay qof walba oo ka qeyb qaadatay tacsida Ugaaska Xasan Ugaas Khaliif.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post