528 Views

Wasiirad Xaniifa “madaxda maamul goboleedyada waa in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee 30%.

Wasiirad Xaniifa “madaxda maamul goboleedyada waa in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee 30%.
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Xili lagu guda jiro Doorashooyinka Dalka ee aqalka sare ayaa waxaa mar kale baaq dirtay Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade).

Waxay ka hadashay Wasiirada  arrimaha doorashooyinka, waxayna fariin xusuusin ah u dirtay  hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed ee dalka.

Xaniifa ayaa ka dalbatay madaxda maamul goboleedyada inay ilaaliyaan heshiiskii laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qoondada haweenka ee 30%.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaady in loo baahan yahay in saddexdii musharrax ay hal musharrax haween noqoto, si ay kuraasta qaar ugu sameeyeen xubnaha haweenka ah.

Wasiirka haweenka ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, maadaama laba gabdhood ay kusoo baxeen doorashada Aqalka Sare ee Baydhabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post