498 Views

Guddiga FEIT ‘oo go’aamiyey’ in lagu laabto doorashada afar kursi

Guddiga FEIT ‘oo go’aamiyey’ in lagu laabto doorashada afar kursi
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya (FEIT) ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Afarta kursi ayaa kala ah; HOP#086, HOP#103, HOP#154 iyo HOP#204. Kursiga HOP#086 ayaa ah kan uu kusoo baxay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya iyo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

“Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga oo lagu daabacay bartooda Facebook.

“Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono,” ayuu yiri guddiga.

Afartan kursi ayaa ahaa kuwa ay horey guddigi u xayireen, waxaana laga soo kala doortay HirShabelle oo ah HOP#086 iyo HOP#103, HOP#154 iyo HOP#204 oo ah Koonfur Galbeed.

Maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed weli kama aysan jawaabin go’aanka guddiga, hase yeeshee waxay horey u qaadaceen go’aankii lagu xayiray kuraastan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post