729 Views

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________


Talaado: December 7, 2021

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo u wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Wasiirada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dhismaha Xarunta Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo ahaa kalfadhigii 37-aad ee Wasiirada Cadaaladda Carabta ayaa looga hadlay arrimaha la dagaallanka Argagixisada iyo la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya fagaaraha kusoo bandhigay horumarada Soomaaliya ka sameysay Cadaaladda iyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Wasiirka oo khudbad qoraal ah la wadaagay Wasiirada Carabta ayaa si faahfaahsan u sheegay in Soomaaliya guulo la taaban karo ka gaartay dhismaha hannaanka Garsoorka maadaama dastuurku xaqiijiyey madax banaanida Garsoorka Dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada dhigiisa ee Masar, Ciraaq iyo dalal kale oo carbeed.

Soomaaliya oo kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ayaa shirarka Heer Wasiir waxaa ay kusoo bandhigtaa caqabadaha heysta iyo horumarada la gaaray, iyada oo mararka qaar gurmad ka dalbata dalalka Carbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post