945 Views

Kulamo Muqdisho xalay ku dhexmaray Madaxda maamulada qaar

Kulamo Muqdisho xalay ku dhexmaray Madaxda maamulada qaar
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 12 2020
—Madaxweynahaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay martigaliyay kulamo gaar ah oo Muqdisho ku dhexmaray Madaxda maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kulamaddan ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo Shirka maanta lagu waddo in uu Muqdisho ka furmo ee looga hadlaayo arimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hoyga Muqdisho uu ka degan yahay kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa kulamadaan inta badan diirada lagu saaray arimaha doorashooyinka iyo sidoo kale sidii Mowqif Mideysan looga qaadan lahaa doorashada 2020 ilaa 2021-ka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post