345 Views

Ustaad Maxamed “Waxbarashadu, muhiim uma ahan oo keliya kobaca dhaqaalaha ee waxay kaloo muhiim u tahay in bulshada wacyigeeda kor loo qaado”

Ustaad Maxamed  “Waxbarashadu, muhiim uma ahan oo keliya kobaca dhaqaalaha ee waxay kaloo muhiim u tahay in bulshada wacyigeeda kor loo qaado”
____________________________________________________________________________

Talaado, 20 December [QARANIMO ONLINE] Ustaad Maxamed Xassan C/qaadir oo ka tirsan guddiga qiimeynta waxbarashada Soomaaliya ayaa ku booriyay in dib u eegis lagu sameeyo manhajka waxbarashada iskuulada hoose/dhexe & jaamacadaha, wuxuuna tilmaamay in qeybo ka mid ah manaahijtaasi ay yihiin kuwa duug ah oo aan la jaan-qaadi karin dunidda casriga ah.

Waxbarashadu, muhiim uma ahan oo keliya kobaca dhaqaalaha ee waxay kaloo muhiim u tahay in bulshadu wacyigeeda kor loo qaado, manaahijteenu isbeddel ayeey u baahan yihiin” Ayuu yiri Ustaad-ka oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, wuxuuna soo jeediyay in maadooyinka sida taariikhda,  joqoraafiga & Soomaaliga  in dib u eegis lagu sameeyo, laguna daro maadada waddaniyada, iyada oo ardayda la barayo kheyraadka dalkooda, lana jecleysiinayo.

Waxbarashadu, waa tan go’aamisa guusha iyo horumarka dalka, si gaar ahaaneed ee qofka shakhsiga ah iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba, sidaa daraaddeed, haddii la doonayo in waxbarashada la siiyo mudnaanta ay leedahay, waxaa loo baahan yahay in loo arko inay tahay mas’uuliyad wadareed oo aan qeyb gaar ah lagu haleyn. Bulshadu marka ay ku badan tahay dadka wax bartay xittaa waxay ku dhici karaan in ay ku fikiraan in ay wax kasta oo aan u qalmin ay si wadajir ah kaga wada dhiidhiyaan” Ayuu yiri Ustaad Maxamed Xassan, isaga oo intaasi sii raaciyay in hay’adaha waxbarashada ee dalka in ay muhiim tahay in ay isu arkaan warshadii soo saareysay jiilasha mustaqbalkan dalka wax u qaban lahaa dalkeena.

Ustaad Maxamed wuxuu ammaan u jeediyay maamulka Jaamacadda Accord, isaga oo  ku tilmaamay ashqaas isu tegay oo horumar ballaaran ku soo kordhiyay heerkii waxbarshada Soomaaliya.

“Prof. C/qaadir Basheer & team-kiisa & guud ahaan howlwadeenada Jaamacadda Accord waxay bahda waxbarashada ku soo kordhiyeen waxbarasho casri ah oo la jaan-qaadi karta dunidda” Ayuu yiri Ustaad Maxamed, isaga oo ku booriyay in ay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post