1521 Views

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Qanyare

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Qanyare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 30, 2019—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday Magalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment