402 Views

Maraykanka oo Madaxda soomaalida ku edeeyey in Alshabaab

Maraykanka oo Madaxda soomaalida ku edeeyey in Alshabaab
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 16, 2022

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André ayaa markii u horeeyay sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dalka uu sare u qaaday weerarada ay geystaan Al-Shabaab.

Waxa uu ku eedeeyay madaxda Soomaalida inay ka dambeeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay amni darrada ka jirta dalka, isagoo xusay in midaan ay abuurtay jawi ay kordhiyaan weerarada argagixisada.

“Al-Shabaab way ka xoog badan yihiin sidii hore, waxay leeyihiin dardar waxayna wadaan weerarka. Waxaan aragnay tan sannadkii la soo dhaafay iyadoo qaar badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay doorteen inay siyaasadda ka hormariyaan sidii Soomaalida looga difaaci lahaa dilalka, baadda iyo dembiyada kale ee kooxdan,” ayuu yiri.

André ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Al-Shabaab ay ka faa’iideysaneyso loolanka siyaasadeed ee ka taagan dalka, si ay u xoojiso weerarada argagaxisada ah ee ay ka geysaneyso gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda siyaasadeed.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay dib u cusboonaysiiyaan go’aankooda ku aaddan hoos u dhigista awoodda al-Shabaab ee weerarrada iyo in Soomaaliya laga dhigo meel aad u ammaan badan.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post