1077 Views

Shirka uu soo qaban qaabiyey machadka Heritage oo maanta ka furmay dalka Jabuuti

Shirka uu soo qaban qaabiyey machadka Heritage oo maanta  ka furmay dalka  Jabuuti
____________________________________________________________________________


isniin: December 13, 2021

 Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta waxaa ka furmay shir uu soo qabqan qaabiyey machadka cilmi-baarista ee Heritage.

Waxaa shirka madashani loogga doodayaa Xasilooni Darada ka jirta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Borofasoor Afyare Cilmi, oo ah aggaasimaha Machadka Heritage, ayaa sheegay in machadku doorkiisu yahay in aqoon yahanada loo fududeeyo madal ay ku doodaan, laakiin aaney iyagu gaarin go’aamo.

Machadka ayaa sanad waliba qabta shirkani, inkastoo waxyaabaha lagu falan qeeyo aanan dib loo sii daba galin.

Waxaa ka qeyb galaya shirka marti kala duwan, oo uu ka mid yahay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar.

Sidoo kale, shirka waxaa qeyb ka ah wasiirro ka socda dowladda Soomaaliya, oo iyana shirka lagu marti qaadey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post