786 Views

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ruqsadda Mobile Money (License) siiyay adeegga e-Dahab shirkadda Somtel

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ruqsadda Mobile Money (License) siiyay  adeegga e-Dahab shirkadda Somtel
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ruqsadda Mobile Money (License) guddoonsiiyey adeegga e-Dahab ee shirkadda Somtel. Waa markii labaad oo Bangiga Dhexe bixiyo ruqsad noocaan ah, horey wuxuu u siiyay adeegga EVC-Plus ee shirkadda Hormuud.

Adeegga Mobile Money waxaa la sheegay in ay isticmaalaan in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdirahmaan Maxamed Cabdullaahi, oo hadal ka jeediyey munaasabad lagu maamusay bixinta ruqsadda ayaa xusey in bixinta ruqsadda adeegga Mobile Money ay ahmiyad gaar ah u leedahay sharciyaynta shirkadaha bixiya adeeggaan, dhowrista xasilloonida hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadahaba.

Xasan Cabdi Cawed oo ah Agaasimaha Sare ee shirkadda Dahabshiil Group u qaabilsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa isna ka mahadceliyay oggolaanshaha ruqsada la siiyey shirkadda, isaga oo xusey horumarka ay shirkaduhu samayn karaan marka loo sameeyo xeerar ay ku dhaqmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post