708 Views

Madaxweynaha Galmudug & Wakiilka QM oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Galmudug & Wakiilka QM oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 05, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay qaramada Midoobay dadaalka ay ku bixineyso geedi-socodka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan ayaa dhankiisa markale ku celiyay inay muhiim tahay in Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & saamileyda kale inay ka wada hadlaan xalna ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.

Xalay ayay aheyd markii Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan uu kulan dhinaca Khdaka Internet-ka ah uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya & Madaxweynaha Hir-Shabeeller, siaag oo kala hadlay sii xal deg deg ah looga gaari lahaa arrimaha ka taagan Gobolka Hiiraan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post