1815 Views

Sababtii loo weeraray guriga Madxweynihii ugu Horreyey ee DFS oo la shaaciyay

Sababtii loo weeraray guriga Madxweynihii ugu Horreyey ee DFS oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2018 – The Guardian oo ah Wargeys weyn ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomaali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wargeyska waxaa uu sheegay in ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan

Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan hal qof oo ajnabi ah.

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.

Il-wareed ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay  “ in bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle Cusmaan ‘ Adan Cadde’, Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah.

Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

Isla qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in Ra’iisul Wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay “la talin iyo caawin”, ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada  Al Shabaab ee “Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii 4 Siteembar 2018.

“Hawlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment