327 Views

Ruushka oo sheegay in fannaaniin ay geyn doonaan jiidda hore ee dagaalka ay ka wadaan Ukraine, si ay u dhiirri geliyaan ciidanka

Ruushka oo  sheegay in fannaaniin ay geyn doonaan jiidda hore ee dagaalka ay ka wadaan Ukraine, si ay u dhiirri geliyaan ciidanka
____________________________________________________________________________

.

Axad:December 18, 2022

Ruushka ayaa sheegay in fannaaniin ay geyn doonaan jiidda hore ee dagaalka ay ka wadaan Ukraine, si ay u dhiirri geliyaan ciidanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday diyaarinta kooxda hore ee toddobaadkan baxaysa, iyadoo sheegtay in ay ka koobnaan doonaan fannaaniin iyo muusig-giiste yaal.

Dhanka kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa booqday ciidamada jiidda hore ee Ukraine.

Hase yeeshee waxay su’aal la galiyay in guutada cusubi ay dhab ahaantii mashquulin doonto ciidamada, kuwaas oo ugu horayn ka walaacsanaa heerka khasaaraha aadka u sarreeya, hoggaan xumada, dhibaatooyinka mushaarka, qalab la’aanta, rasaas la’aanta, iyo caddayn la’aanta ujeedooyinka dagaalka.

Dhanka kale, dagaal xooggan ayaa ka socda agagaarka magaalada Bakhmut ee bariga Donbas Sabtidii, sida ay sheegeen shaqaalaha guud ee Ukraine.

Deegaankan ayaa waxaa muddo bilo ah ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo Ruushka, iyadoo Ruushku uu doonayo inuu sii haysto dhulkaas kaddib guul darrooyin is daba joog ah oo ka dhacay bariga Ukraine horraantii sannadkan.

Moscow ayaa rajaynaysa in ay magaaladaas ka dhigto goob laga soo abaabulo weerarrada ay ku qaadeyso magaalooyinka Kramatorsk iyo Sloviansk ee ay Ukraine gacanta ku hayso.

Moscow ayaa riday 76 gantaal maalintii jimcaha, iyaga oo garaacay sagaal xarumood oo korontada laga dhaliyo, waxaana inta badan Ukraine ay gashay xaalado mugdi ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post