105 Views

Wasiirka Caddaaladda ee XFS oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Qatar

Wasiirka Caddaaladda ee XFS oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdosho — Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar.

Wasiir  Xasan Macallim Maxamuud ayaa inta uu joogo Dooxa, waxaa uu dhiggiisa Qatar la qaadayaa kulamo looga hadlayo horumarinta Iskaashiga Caddaaladda iyo arrimaha la xariira ee labada dal, sida xabsiyada iyo dhaqan-celinta, danbi-baarista iyo sarraynta sharciga

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa sidoo kale booqanaya sida qorshuhu yahay hey’ado iyo xarumo kale oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, qaanuunka iyo cilmi-baarista.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay waxaa uu safarro kale oo lagu xoojinayay tayada Caddaaladda ee dalka iyo xiriirrada aan dunnida kale la leenahay ku tegay wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Masar, Ciraaq, Marooko, iyo Talyaaniga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post