714 Views

Qaar kamid ah Goobaha Gancsiga Guriceel oo xiran

Qaar kamid ah Goobaha Gancsiga Guriceel oo xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 15 2021=Waxaa Maanta gebi ahaan xiran qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga ee kuyaal degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Ganacsatada qaarkood ayaa waxaa ay ku sheegeen sababta ay u xireen Goobahooda Ganacsiga cabsi laga qabo in degmada Guriceel ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamads  Ahlusunna ee dhawaan la wareegay degmada Guriceel.

Sawiro laga soo qaaday Goobaha Ganacsiga degmada Guriceel ayaa la arkayay inta badan Goobaha Ganacsiga oo xiran, isla markaana dadweynaha ay si teel teel ah wadooyinka Magaalada u marayaan.

Ciidamada xoogaga Ahlusunna ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel ayaa waxaa ka barakacayay dadkii ugu badnaa, waxaana la sheegay inay ka barakaceen in ka badan  Kun qoys, kuwaas oo haatan barakac ku ah degaano hoostaga degmada Guriceel.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadaan duleedka degmada Guriceel taas oo cabsi ku abuurtay Bulshada Magaalada.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post