1623 Views

Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka a Guriceel oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka a Guriceel oo ka dhacay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Isniin: October 25, 202

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu halkaas ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxayna taayiro iyo qashin ku gubeen wadada, taasi oo keentay isku socodka gaadiidka uu istaago.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedan dagaalka khasaaraha badan ka dhashay ee ka socda Guriceel, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen “Qoor iyo Farmaajo doonimeyno”, “Dhiig sokeeye doonimeyno” iyo ereyo kale oo ka dhan ah maamulkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post