930 Views

Shiinaha oo dhaqaatiir u soo direy Itoobiya

Shiinaha oo dhaqaatiir u soo direy Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 17 2020– Kooxda dhakhaatiirta caafimaadka dalka Shiinaha ka socota waxay soo gaareen magaalada Addis Ababa.

 

Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Shiinaha ayaa sheegtay dhakhaatiirta iney ka yimaaddeen Sichuan si ay taageera caafimaad ay u siiyaan dalka Itoobiya ee la daalaa dhacaya Coronavirus.

 

Kooxda dhakhaatiirta uu Shiinaha u soo diray dalka Itoobiya ayaa noqonaya qaybihi ugu horreeyey ee Afrika soo gaara, wuxuu Shiinaha dhakhaatiir la mid ah uu u diray dalka Brurkinafaso tani iyo marka uu cudurka ka dillaacay qaaradda Afrika.

 

“Taageerada waa mid muujineyso midnimada iyo aragtida guud ee ah in la dhiso bulsho bani-aadaminimada ku mideysan sida uu horay u sheegay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in Itoobiya iyo Shiinaha iskaashi istiraatiijiyad ku dhisan uu ka dhaxeeyo” ayaa lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxday dalka Shiinaha.

 

Koxda dhakhaatiirta oo ka kooban 12 oo lagu sheegay kooxdi ugu horreysay waxay tababarro iyo talooyin siin doonaan xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka Itoobiya ee ku howlan xakameynta iyo la dagaallanka Covid-19.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment