693 Views

Ciidamada dowladda oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 13 2021–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Gedo, kaas oo Amniga lagu xaqiijinayay.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Dagmada Luuq  Xasan Aadan Muqtar ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameyeen degaan o hoostaga degmada luuq, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ma shaacin waxyaabo lagu soo qabtay inta uu howlgalka socday, hayeeshee ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga degmada luuq iyo degaannada hoostaga.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Dagmada Luuq  Xasan Aadan Muqtar ayaa waxaa uu sheegay n howlgalalda ay noqn doonaan kuwo joogto ah oo sii socon doona ila Al-Shabaab laga saarayo degaannada hoostaga degmada luuq.

Degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab, halka mararka qaar Ciidamada dowladda ay fuliyaan howlgallo lagu baadi goobayo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post