816 Views

Cajalad maqal ah oo laga soo duubay wasiirka arrimaha dibedda Iran, oo eedaynaya Ilaalada Kacaanka Iran

Cajalad maqal ah oo laga soo duubay wasiirka arrimaha dibedda Iran, oo eedaynaya  Ilaalada Kacaanka Iran
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Cajalad maqal ah oo laga soo duubay wasiirka arrimaha dibedda Iran, Javad Zarif, ayaa soo baxday taas oo laga maqli karo isagoo dhaleeceynaya Ilaalada Kacaanka Iran, wuxuu sheegay in iyaga ay sii adkeenayaan dadaalada diblomaasiyeed ee xukuumadda Tehran.

Mr Zarif wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay General Qassem Soleimani – oo ahaa taliyihii militariga ee awooda badnaa ee lagu dilay weerarkii Mareykanku ku qaaday magaalada Baqdaad sanad iyo bar ka hor.

Wasiir Zarif wuxuu sheegay in Janaraal Qaasim Sulaymaani uu Iran geliyay dagaalka Suuriya si ay u caawiso Ruushka.

Zarif ayaa sidoo kale la maqlayay isagoo si isdaba joog ah u dhaleeceynaya dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov, isagoo ku eedeeyay in xukuumadda Moscow ay markasta isku dayeysay inay joojiso heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii ee lala galay Reer Galbeedka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa sheegtay in codka cajaladda la jarjaray.

Wareysiga ayaa la sheegay in la duubay bishii Maarso waxaana loogu talagalay in la sii daayo marka maamulka Xasan Rouhani uu xafiiska ka tago dabayaaqada sannadkan.

Janaraal Qaasim Suleymaan oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa waxaa lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen elaboorka magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq waxaana dilkiisa xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Ciidamada Qudus ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.

62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.

Kumuu ahaa Jeneraal Qaasim Sulaymaani?

Qaasim Sulaymaani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Qudus.

Qaasim wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.

Ciidamada Qudus waxay hawgalo ka sameyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.

Ciidamada Qudus ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan.

Wuxuu astaan muuqata u ahaa saameynta sii kordheysa ee Iran, gaar ahaan bariga dhexe oo ay ku loolamayaan xulafada Sacuudiga iyo Iran.

Qaasim Sulaymaani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Xisbullah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq.

Sanadihii dambe, Qaasim Sulaymaani wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ayatollah Cali Khameni.

Intii uu madaxda ka ahaa ciidamada Qudus, waxay awood u yeesheen in ay ballaariyaan awoodooda dhanka milateriga, sirdoonka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sulaymani waxaa uu ka dhashay qoys sabool ah oo ka soo jeeda bariga dalka Iran, waxaana uu shaqo bilaabay isagoo 13 sano jir ah, si uu u caawiyo qoyskooda.

Xilliyada fasaxa waxaa la sheegay in uu sameyn jiray jimicsi jir dhis ah, waxaana uu sidoo kale aad u dhageysan jiray khudbadaha hogamaiyaha ruuxiga ee dalka Iran.

Wargeyska the Foreign Policy ayaa kusoo warramay in isagoo dhalinyaro ah uu ku biiray milateriga dalka Iran sannadkii 1979, waxaana la sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaalkii dhexmaray dalalka Iran iyo Ciraaq, xilligaas oo dalka Iran looga aqoonsaday “nin geesi ah”.

Sanadkii 2005, markii dib loo soo dhisay Dowladdii Ciraaq, Qaasim Sulaymaani wuxuu saameyn siyaasadeed ku yeeshay dowladii uu hogaaminayay ra’iisul wasaarihii hore ee Ciraaq, Nouri al-Maliki.

Markii ay dagaalada sokeeye ka bilawdeen dalka Suuriya, waxaa uu ciidamadiisa ku amray in ay gudaha u galaan Suuriya oo ay difaacaan dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Qaasim Sulaymaani wuxuu dhowr jeer ka badbaaday isku day di oo ay soo maleegeen Israel iyo qaar kamid ah dalalka Carabta. Dhowr jeer waxaa la sheegay in uu dhintay, inkastoo markii dambe la xaqiijiyay in uu nool yahay.

Sannadkii 2006, waxaa la sheegay in Sulaymaani uu ku dhintay diyaarad ku burburtay waqooyiga galbeed ee dalka Iran. Sidoo kale sanadkii 2012 waxaa lasoo wariyay in uu ku dhintay qarax ka dhacay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo aad ugu dhawaa madaxweyne Bashar Al Asad.

Dowladda Iran ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore sheegtay in ay fashilisay qorshe la doonayay in lagu khaarajiyo Qaasim Sulaymaani, waxaana warbaahinta dalka Israel ay dhowr sano kahor kusoo warrantay in Israa’iil ay dhowr jeer isku dayday in ay khaarajiso Qaasim Sulaymaani.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post