1005 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Agaasimaha Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Agaasimaha Bangiga Adduunka
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo.

labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.

Ra’iisul Waaaaraha ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya waxaa uu ka taageeraa Arrimo dhowr ah, waxaana mas’uuliyiinta ka socota ay la kulmi doonaan Madaxda kale ee Dowladda Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post