1299 Views

Meydka Abwaan Singub oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Jig-jiga

Meydka Abwaan Singub oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Jig-jiga
____________________________________________________________________________

Jigjiga | june 21, 2019 – Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Aas Qaran loogu sameyay Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub”

Kadib markii aay soo caga dhigatay diyaaradii siday meydka Abwaan Singub islamarkana aay la socodeen Wafdi uu Hoggaminaya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Wiil-Waal ee Magaalada jigjiga uga hortagay masuul uu horkacayay Madaxweynaha Dowlad deeganka Soomaalida Mustafa Maxamuud Cumar (Cagjar) iyo masuuliyiin kale oo ka socoday Dowladaha Jabuuti iyo Keyna.

Aaska Abwaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay kumanaan kun oo isugu jira Mas’uuliyiin dawladeed Abwaano, Fanaaniin, Ugaasyo, Odayaal dhaqameedyo, Culmo udiin iyo shacab kale oo dhammaantood ka kala yimid Dalalka dariska.

Dadkii kasoo qayb galay Aaska ayaa goobta ka jeediyay taariikhda Abwaanka uu kulahaa gayigga Soomaaliya, waaxana sidoo kale goobta aaska ku sugnaa eheladii Abwaan Singub.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray Qarabadii, Ehelkii iyo Umaddii Soomaaliyeed uu ka baxay Abwaanka, Wasiirka ayaa sido kale cadeyay in Dowladda Soomaaliya eey codsatay in aay aas qaran u sameyso abwaanka balse qaraabada Marxuumka ay doorteen in jigjiga lagu aaso Madamada jigigba tahay Dul Soomaaliyeed.

Gabagabadii Madaxweyna Dowlad deeganka Soomaalida Mustafa Maxamuud Cumar “Cagjar”ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu tacsidayay geeri abwaan singub, sido kale Madaxweyne Mustafe ayaa Mahadcelin balaaran ujeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muhiimad gooni siiyay in la qabto aaska Abwaan Singub.

Aaska ka dib waxaa halkaas loogu duceeyay Marxuumka waxaana Alle looga baryay in uu janadii firdowsa geeyo Samir iyo iimaana Alle ka siiyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed uu Abwaanka ka baxay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment