825 Views

Masaajid ku yaala Faransiiska oo la xiray kadib markii imaamka masaasjidkaa uu ka jeediyay khudbad uu ku ‘difaacayay jihaadka

Masaajid ku yaala Faransiiska oo la  xiray kadib markii imaamka masaasjidkaa uu ka jeediyay khudbad uu ku ‘difaacayay jihaadka
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Masaajid ku yaal gobolka Oise ee waqooyiga Faransiiska ayaa loo xiray kadib markii imaamka masaasjidkaa uu ka jeediyay khudbad uu ku ‘difaacayay jihaadka’

Masaajidkan oo ku yaalla magaalada Beauvais ayaa xirnaan doona muddo lix bilood ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Guddoomiyaha Oise ayaa sheegay in khudbadaha laga jeediyay masaajidka ay tilmaamayeen in dagaalyahannada jihaad doonka ah ay yihiin “geesiyaal” isla markaana ay huriyeen nacayb iyo qalalaase.

Faransiiska ayaa waday baaritaanno lagu baarayo masaajidda looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin xagjiriinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post