1062 Views

Ra’iisul Wasaaraha Uk oo walaac muujiyey

Ra’iisul Wasaaraha Uk oo walaac muujiyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 03 2020–Raisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay in la diyaariyay qorsha bishii aanu soo dhaafnay haddii lacala uu u dhiman lahaa cudurka Covid-19.
Wareysi uu siiyay wargayska the Sun ayaa waxaa uu shaaca kaga qaaday sidii ay xaaladiisa u liidatay markii la dhigayay isbitaal ku yaalla London.
Waxaa uu u sheegay in saddexdii habeen ee uu ku jiray goobta xaaladaha culus ay ahayd xaaladiisu mid adag.
Mr Johnson ayaa wiilka u dhashay u bixiyay Nicholas isaga oo ku sharfaya labadii dhakhtar ee daaweeyay xillgii ay xaaladdiisu adkeyd.
Rai’sul wasaare Johnson ayaa waxaa uu sheegay in uu ” Ogsajiin badan u baahnaa ” si uu u noolaado.
Mr Johnson ayaa laga helay cudurka coronavirus 26 March waxaana isbataalka la seexiyay 10 maalmood ka dib.
Rai’sul wasaaraha ayaa maalinkii xigtay loo wareejiyay qeybta xaaladaha culus ka dib markii ay xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dartay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment