1146 Views

Hooyo iyada oo codeyneyso ay foosha qabatay Doorashada Somaliland

Hooyo iyada oo codeyneyso ay foosha qabatay Doorashada Somaliland
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Hooyo kamid aheyd dadkii codkooda ka dhiibanayay doorashada ka socota Somaliland ayay foosha qabatay xilli ay safka ku jirtay.

“Waxay ku umushay xannaanada xaafadda Daami”, baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa hooyadan.

Waxaa si habsami leh deegaannada Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland uga soconaya doorashooyinka dowladaha hoose iyo kuwa golaha wakiillada.

Doorashadan oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqonaysaa middii todobaad ee Somaliland ka dhacda tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay isaga go’day Soomaaliya inteeda kale soddon sanadood ka hor.

Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post