678 Views

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in haddii la qaadan

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo  sheegay in haddii la qaadan
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in haddii la qaadan lahaa talooyinkii ay soo jeediyeen sanadkii hore, ay imika doorasho qabsoomi lahayd, amaba loo dhowaan lahaa.

Muddo sanad ah ayaa haatan laga joogaa markii Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ay baarlamaanka Soomaaliya hordhigeen labo qaab oo ay ku dhici karto doorashada Soomaaliya, oo haatan waqtigeedii lagu ballamay la soo dhaafay. Guddiga ayaa haatan qaba in haddii fursadda la siin lahaa ay xilligan qabsoomi lahayd doorashada, amaba ay muuqan lahayd saansaan ay ku dhici karto.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in haddii guddigooda talada loo deyn lahaa maanta doorashada laga gaari lahaa horumar muuqda.

“Haddii la yeeli lahaa inay doorashadu dhacdo April, waxaa maanta jiri lahayd dowlad, haddii August la yeeli lahaana waxaa noo soo bixi lahaa xildhibaanno. Hadda waxaad mooddaa in waqtiyadii aan soo jeedinnay mid waa la soo dhaafay midna waa soo socotaa, laakiin wax diyaar ah ma muuqdaan,” ayay tiri.

Maxay kala yihiin labada hab doorasho ee ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey?

Habka koowaad

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa sanadkii hore khudbad ay baarlamaanka ka hor jeedisay waxay tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay kamid yihiin:

  • In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
  • In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda
  • In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
  • In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta
  • In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta
  • Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga
  • Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
  • Diiwangalinta rasmiga ah ee xisbiyada Siyaasadda
  • Diiwaangalinta musharrixiinta xildhibaannada
  • Ololaha doorashada xisbiyada
  • Qabashada doorashada (maalinta codbixinta)
  •  

Habka Labaad

Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay hab labaad oo ka duwan kan hore, uuna sheegay inuu ka waqti iyo kharashba yar yahay.

Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood oo ka billaabmaysay July 2020 kuna ekeyd March 2021.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.

Maxaa laga yiri labada hab ee guddiga?

Labada nooc ee la soo jeediyay ayaa sida xilligooda wuxuu ka dambeeyay muddo-xileedkii baarlamaanka iyo xukumadda oo ku ekeyd 8-dii February. Cabdiraxmaan Cabdishakur, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wuxuu ugu baaqay guddiga doorashada inay is casilaan isagoo ka digayay in qorshaha ay guddiga wataan ay horseedeysa muddo kordhin xukumad uu wakhtigeedii dhammaaday.

“In khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyaddii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal waddo ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Khilaaf cusub iyo dood dheer ka dib, waxaa lagu qasbanaaday in madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kulmaan oo ka shiraan arrimaha doorashada iyo nooca la qaban karo.

Heshiiskii 17-kii September

Ka dib shirar dhowr ah oo ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Garowe, waxaa ugu dambeyn la isugu tagay magaalada Muqdisho oo lagu saxiixay heshiiskii 17-kii September ee sanadkii hore oo ay u dhammaayeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Heshiiskaas wuxuu dhigayay in doorasho dadban la qabto, in guddi doorasho oo dhinacyada oo dhan ka socda la soo dhiso iyo in maamul goboleed kasta oo qabto doorashada baarlamaanka.

26-kii bishii September sanadkii hore, Baarlamaanka wuxuu ansixiyay heshiiskaas oo noqday sharci, waxaana la filayay in doorashada lagu galo sidaa. Balse khilaafyo hor leh ayaa soo baxay oo caqabad ku noqday dhaqangalka heshiiskaas.

Hadda xaggee ayay wax marayaan?

Dowladda federaalka iyo madaxda maamul-goboleedyada ayaa dhowr shir oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa la iskula soo qaaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan doorashooyinka. Shirarkaas oo qodobbada ka soo baxay qaarkood la dhaqna geliyay, ayaa waxaa haatan ka socda Muqdisho shir u dhaxeeya dowladda iyo madaxda maamul-goboleedyada marka laga reebo Hirshabeelle oo sheegtay inaysan ka qyeb galeyn.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee bishii la soo dhaafay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa waxay madaxda ku heshiiyeen in 60 beri gudahood lagu soo dhiso dowlad. Haatan waxaa maalmahaas ka haray wax ka yar hal bil. Dad badan ayaana su’aalo gelinaya in doorashada ay ku qabsoomi karta maalmahaasi dhiman.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post