903 Views

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab

Dawladda Soomaaliya oo  sheegtay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Talaado: July 20 2021



Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab maanta degaan ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday saacaddu markii ay ahayd 11-kii aroornimo iyo shan daqiiqo, hase yeeshee lama shaacin goobta saxda ah ee duqayntu ka dhacdday iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday.

Sidoo kale dawladda Soomaaliya ma sheegin cidda gaysatay duqyantan.
19-kii Janaayo ee sannadkan ayey ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya. Xilligaasi wixii ka dambeeyey dawladda Maraykanku ma sheeganin wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaaliya.

War-saxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaas ay ahayd mid lagu ilaalinayey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Danab.

Waxay sheegtay dawladda federaalka ah in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Danab ay sii wadaan hawlagallada ka socda Galmudug ee ka dhanka ah Al-Shabaab si dadka looga xoreeyo Al-Shabaab, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

Maalmahan ayaa dagaallo ay ku dhexmarayeen degaanno u dhow Bacaadweyne iyo Camaara ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post