534 Views

Xisbiyada Mucaaraadka Somaliland oo sheegay in ay dib u dhigeen banaanbixii ay maanta iclaamiyeen

Xisbiyada Mucaaraadka Somaliland oo sheegay in ay dib u dhigeen banaanbixii ay maanta iclaamiyeen
____________________________________________________________________________

Xisbiyada  Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa dib u dhigay banaanbax weyn oo maanta lagu waday in uu ka dhaco guud ahaan degaanada maamulka Somaliland, islamarkaana looga soo horjeeday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Somaliland..

Gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in banaanbaxyadii maanta la baajiyay ka dib markii ay ka codsaday in ay dhexdhexaad bilaabaan Odayaasha dhaqanka ee Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in banaaanbaxyada ay bilaaban doonaan haddii ay dhici weyso doorashada xilligii loogu tala galay.

“Inta muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno mudaharaadka, laakiin waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhexdhexaadinayay ay naga codsadeen maalmo kooban in aanu hakino mudaharaadka sidaa darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada.”ayuu yiri gudoomuiye Xirsi.

Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa dhankiisa sheegay in uu taageersan yahay guddiga isxilqaamay ee dhexdhexaadinta wadda.

“Annagoo dhawraynaya Ballankii aanu la galnay Guddidii Is xilqaantay, waanu hakinnay Mudaharaadkii Sabtida aanu iclaaminnay..,” waxaa sidaasi yiri Gudoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post