804 Views

Cumar Filish “Aqalka sare dhismihiisa waxa uu ku yaal Dastuurka balse kan hada sidii lagu dhisay ma ahan sharci

Cumar Filish  “Aqalka sare dhismihiisa waxa uu ku yaal Dastuurka balse kan hada sidii lagu dhisay ma ahan sharci
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa  weerar afka ah ku qaaday Xildhibaannada Aqalka sare , waxa uuna ku tilmaamay kuwo ku dhisan sharci darro.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu sheegay in Aqalka sare dhismihiisa uu ku yaal Dastuurka balse kan hadda jira sidii lagu dhisayay la garab maray oo dad dano gar ah watay ay si boob ah ku dhiseen.

“Waxaay aheyd in wixii la dhisaayo oo awood qeybsi ah in 4.5 lagu qeybsado ama tirada Gobolada lagu qeybsado intaba lama sameyn, beel waxay qaadatay 8 midna 17, taas ayaa horta jirta marka beeshii 17 heysatay waxay rabtaa in ay difaacato oo aan laga qaadin waana cadaalad darro ayuu yiri” Cumar Filish.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay sababaha keenay in heshiis laga gaari waayo qabashada doorashooyika ayuu eeda dusha uga saaray maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Doorashada inay qabsoonto oo si xalaal ku qabsoonto waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka, dowladda waa qabaneynaa diyaar u nahay taagan tahay, kuwa kale waxay taagan yihiin maba la qabanaayo, illaa qodobkan aniga la ii fuliyo, waa in danteyda aan hela, haddii kale maba la qabanaayo”

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu ka mid ahaa madaxdkii ka qeybgalaysay shirka loogaga hadlayay arrimaha doorashooyinka kaasoo aan wax heshiis ah laga gaarin.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post