540 Views

Shacabka Mudisho oo aad uga carooday hadalkii Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali jeeb kujire

Shacabka Mudisho oo aad uga carooday hadalkii Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali  jeeb kujire
____________________________________________________________________________

Sabti: January 15, 2022

 

Waxgaradka Muqdisho ayaa aad uga carooday hadalkii maanta ka soo yeeray Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali ee ahaa in wax garadka Muqdisho aysan ka hadli karin siyaasada Gobolka Banaadir.

Cali yare ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado waan waantii uu sameeyay Iimaankii beesha Mudulood ee ahaa in dib loo dhigo Banaanbixii khamiistii ka dhici lahaa Muqdisho, waxa uuna eedayn u jeediyay iimaamka Mudulood.

Cali jeeb ku jire ayaa sidaan yiri mar uu la hadlaayay saxaafada.

“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa. Ma jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Siidoo kale arintaan ayaa dab ku sii shidaysa waan waantii ay wadeen wax garadka Muqdisho ee ahaa in la qaboojiyo banaanbaxyada rabshadaha ka dhalan kara.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post