978 Views

War deg deg ah: Waxaa goor dhawayd soo gaba gaboobay kulankii Rooble iyo Midowga Musharixiinta Muqaal dawo

War deg deg ah: Waxaa goor dhawayd soo gaba gaboobay kulankii  Rooble iyo Midowga Musharixiinta Muqaal dawo
____________________________________________________________________________

Waxaa goor dhawayd oo caawa Fiidkii ah la soo gaba gabeeyay shirkii u socday RW Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka oo intiisa badan looga wada hadlay arrimaha doorashada, dibadbaxa ay ku baaqeen mucaaradka iyo waliba dhacdadii 19kii bishan ee magaalada Muqdisho, ayeey wararku sheegayaan in Ra’iisal Wasaare Rooble garwaaqsaday qaar ka mid ah sharuudaha Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa dhankeeda ka dalbatay Midowga Musharixiinta in dib loo dhigo dibadbaxa maalinta Berri ah ay ku baaqeeyeen Midowga Musharixiinta si laamaha Amniga waqti loogu siiyo in ilaaliyaan nabadgalyada dibadbax nabdoon oo ay dhigtaan mucaaradka.

Rooble ayaa aqlabay in guddi baaritaan ku sameeya loo saaro dhacdadii 19kii bishan ciidamada dowladda ay isku hortaageen dibadbax ay horkacayeen qaar ka mid ah midowga Musharixiinta.

Dhinaca kale kale ma jiraan warar faah faahsan oo ku aadan arintaan oo ka soo baxay Musharixiintu oo ah in ay  aqbaleen soo jeedinta dhinaca Xukuumadda ee ah in la baajiyo dibadbaxa maalinta Barri ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post