531 Views

Puntland oo soo saartay Amarro ku socda Gaadiidka noocyadiisa kala duwan

Puntland oo soo saartay Amarro ku socda Gaadiidka noocyadiisa kala duwan
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Ilaalada waddooyinka Puntland G/sare, Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan) ayaa sheegay in si loo ilaaliyo nafta iyo Maalka dadweynaha ay awaamiir kasoo saareen wadista Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kamid tahay Mooto Bajaajta.

Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Garoowe ayuu sheegay si loo hubiyo Shaqada in wixii hadda ka dambeeya imtixaan ka qaadi doonaan cid kasta oo dooneysa inay ku Shaqeysato wadista Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sidoo kalena la baari doono qofka Caafimaadkiisa

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in qofka darawalka noqonayo la siin doono leysinka gaadiid wadista, haddii uu ka gudbo shuruudaha horyaalla, oo ay ku jirto in da’diisu aysan ka yarayn 18 sano.

Amarkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafikada ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan banaanbax cabasho ah ay Magaalada Garoowe ka dhigeen wadayaasha Mooto Bajaajka oo ka cabanayay in loo diiday marista wadada halbowlaha walow markii dambe dib loogu fasaxay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post