885 Views

Shir laga yeeshay Amni darrada kusoo batay degmada Marka

Shir laga yeeshay Amni darrada kusoo batay degmada Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 15 2021=Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo Qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa Maanta waxaa ay Xarunta Maamulka Degmada kulan kula qaateen Odayaasha Dhaqanka degmadaas.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arimaha Aminga Iyo Guud ahaan Hormarka ka socoda degmada Marka iyo degaannada hoostaga.

Odyaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay kala hadleen inta uu kulanka socday falalka amni darro ee maalmihii dambe Magaalada  ka dhacayay, iyag oo Maamulka ugu baaqay in wax laga qabto.

Gudoomiyaha Magaalada Magaalada Marka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegey in aan la aqbali karin amni darada baahsan ee ku Cusub Magaalada sida ugu dhaqsiyaha badan loogu hortagi doono, wuxuuna ugu baaqay laamaha amniga iyo Bulshadda Magaalada in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan Odayaasha dhaqanka ay kaalintooda qaataan.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post