243 Views

Madaxweynayaasha Masar & Imaaraadka oo wada-hadallo yeelanaya

Madaxweynayaasha Masar & Imaaraadka oo wada-hadallo yeelanaya
____________________________________________________________________________

Wakaalada wararka ee dalka Imaaraatka Carabta ee WAM ayaa sheegtay in Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed uu Arbacadii gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay booqashadiisa.

Imaaraadka Carabta oo ay weheliyaan dalalka Khaliijka ee ay deriska yihiin ee Sacuudiga iyo Kuwait, ayaa balaayiin doollar oo deeq ah, lacag caddaan ah iyo shixnado shidaal ah u soo diray Masar kadib markii Madaxweyne Cabdifataax Al-sisi oo xilligaas ahaa taliyaha ciidamada uu hoggaaminayay afgambigii lagu riday hoggaamiyihii ka horreeyay ee Maxamed Mursi sanadkii 2013-kii.

Lacagtaas ayaa kor u qaadday dhaqaalaha Masar. Laakiin toban sano kadib, dhaqaalaha dalkaas ayaa mar kale waxaa soo food saartay cadaadis ba’an, iyada oo boqortooyooyinka Khaliijka ee qaniga ku ah saliida ka dhawaajiyay inay dhamaatay wakhtigii lagu xiri jiray shuruudaha gargaarka ay bixiyaan.

Sheikh Maxamed, oo loo yaqaan MBZ, ayaa waxaa garoonka kula kulmay Sisi, sida laga soo xigtay muuqaal uu baahiyay TV-ga dowladda Masar. Labadan isbahaysi waxa ay lahaayeen xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Qaahira ayaa 3 bilyan oo dollartaageero maaliyadeed ah ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) bishii Diseembar, halka ay qiimo dhimis ku sameysay lacagteeda kala bar tan iyo bishii Maarso 2022 kadib duulaanka Ruushka ee Ukraine oo kashifay daciifnimadeeda dhaqaale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post