1089 Views

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Jen. C/raxmaan Tuuryare oo caawa ka badbaaday isku day Dil

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Jen. C/raxmaan Tuuryare oo caawa ka badbaaday isku day Dil
____________________________________________________________________________

.

April 19-2021

Wararka ka imaanaya caawa Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalada ay tahay caawa mid ka Duwan habeenadii hore.

Wararka ayaa sheegaya in caawa Xili Danbe ay Rasaas ku Fureen Ciidamada Dowlada gaari uu la socday Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Jen. C/raxmaan Tuuryare.

Ciidamada rasaasta ku furay Jen. C/raxmaan Tuuryare  ayaa la sheegay in la dhigay isla caawa Halkaas, waxaana la sheegay in ay joogeen Isgoyska Mariinada.

Caawa ayaa magalada Muqdisho waxaa la dhigay Ciidamo aad u badan gaar ahaan  goobaha ay joogaan Mucaaradka. Ayaa caawa lagu gadaamay Ciidamo dheeraad ah.

Jeneraalka iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay inay ka badbaadeen rasaasta lagu furay, ayna safarkooda sii wateen, waxayna arrintan qeyb ka tahay xaaladda kacsan ee Muqdisho ka jirta xilligan.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarun ka dhigtay agagaarka Isgoyska Mirinaayada, halkaasoo u sidaasoo kale uu degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Jeneraal Tuuryare ayaa soo dhigay Qoraalkan Bogiisa Facebook

“Waxaa caawa 11:00 oo dhiman 5 daqiiqo la igu xabbadeeyay Aniga iyo Gaarigii ila socday anigoo maraya Isgoyska Mariinada, waxaana la ii sheegay in ciidamada na xabbadeeyay ay ahayeen kuwo lagu sheeay Duufaan oo caawa meesha la keenay” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo caddeeyay inuu arrintan u arko mid isaga loogu dan lahaa.

Ciidamo badan oo ka amar qaata saraakiisha ciidamada ee hoos taga Maxamed Farmajo ayaa caawa la dhigay inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho oo qeybo ka mida ay k dhaceen bannaanbaxyo looga horjeedo muddo kororsiga.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post