900 Views

Diyaaraddii uggu horeysay oo wada Qaxooti dad reer Afghanistan ah oo gaartey Ingiriiska

Diyaaraddii uggu horeysay oo wada Qaxooti dad reer Afghanistan ah oo gaartey Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Khamiis August 19, 2021

 Wasaaradda difaaca Ingiriiska, ayaa la wadaagtay dadweynaha video tusinaya, dad shacab ah, oo kasoo dagaya diyaarad, kuwaasoo ka yimid magaalada Kabul, soona gaarey Ingiriska.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa dad Ingiriis ah iyo kuwa u dhashey Afghanistan, iyadoo diyaaraddu kusoo dagtey Midland maalintii arbacada aheyd.

Ingiriiska ayaa xaqiijiyey inuu qaadanayo illaa iyo qaxooti reer Afghanistan ah, oo gaaraya 20,000 sanadaha so socda, taasoo ah mashruuc cusub, iyadoo sanadkanna dibu dajin loo sameyn doono illaa iyo shan kun.

Illaa iyo 2,000 oo shaqaale u ahaan jirey Ingiriiska, ayaa iyaga iyo qoysaskooda la geeyey dalkani, iyadoo loo sameeyey sharci gaar ah oo layiraahdo (ARAP), sida ay sheegay wasaaradda arrimaha gudaha, halka oonayo yoolka la higsanayo uu yahay in la qaado dhamaadka sanadka 2021-ka illaa iyo shan kun.

BBC

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post