702 Views

Sheekh Shariif oo ka hadlay abaaraha adag ee ka jira Gedo iyo sidoo kale tan ka dhalatay cudurka safmarka ah Covid-19

Sheekh Shariif oo ka  hadlay abaaraha adag ee ka jira  Gedo iyo sidoo kale tan ka dhalatay cudurka safmarka ah Covid-19
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan deg-deg ah oo uu kaga hadlayo xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo iyo sidoo kale tan ka dhalatay cudurka safmarka ah Covid-19.

Sheekh Shariif ayaa marka hore ugu baaqay ganacsatada, dowladda iyo hay’adaha samafalka in gurmad bani’aadanimo la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan Gedo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Shariifka ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday in fududeyso sidii loo heli lahaa wax kasta oo looga hortegi karo cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Halkan hoose ka aqriso:-

Ugu horreyn Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka.

Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post