2574 Views

Muqdisho iyo Ankara oo cusbooneysiiyey heshiiska mataaneynta labada Magaalo

Muqdisho iyo Ankara oo cusbooneysiiyey heshiiska mataaneynta labada Magaalo
____________________________________________________________________________

Ankara, Sebteembar 5, 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabadirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Dhiggiisa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Mudane Dr. Mustafa Tuna ayaa kala saxiixday heshiis dib loogu cusboonaysiinayo mataaneynta Caasimadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ayaa dhigaya in labada Maamul ee Muqdisha iyo Ankara ay is-dhaafsadaan khibradda dhanka maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

Labada Duq ee Muqdisho iyo Ankara ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay mataaneynta labada magaalo iyo sooyaalka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya, kaas oo ku suntan tan iyo sannadkii 1988-dii.

“Si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada caasimadood, loona horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee dawladaha hoose ee Muqdisho iyo Ankara ayaa labada dhinac waxa ay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska mataaneynta labada magaalo, kaas oo ku dhisan iskaashi, is-taakuleyn iyo wax wada-qabsi.”

Heshiiska mataaneynta Muqdisho iyo Ankara ayaa dhigaya in la xaqiijiyo qodobbada soo socda:

1. In la is-waydaarsado khibradda dhanka maareynta iyo hannaanka fulinta isbedellada qorshaynta magaalooyinka, guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, ilaalinta deegaanka, dhaqaalaha, sayniska iyo dalxiiska.
2. In la xoojiyo iskaashiga labada magaalo, iyadoo loo marayo martigalinta dhacdooyinka iyo bandhigyada ku saabsan arrimaha dhallinyarada, dhaqanka iyo hiddaha, tababarrada xirfadaha iyo ciyaaraha.
3. Dhiiri gelinta iyo hirgelinta dhammaan qorsheyaasha iyo mashaariicda ku qotama kor u qaadidda horumarinta guud ee labada magaalo.
4. Waaxda Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo Waaxda Xiriirka Dibadda ee Dawladda Hoose ee Ankara ayaa u xil saaran joogteynta xiriirika iyo isku-dubaridka shaqooyinka labada magaalo, iyagoo wakiil uga ah dawladahooda.

1. In la is-waydaarsado khibradda dhanka maareynta iyo hannaanka fulinta isbedellada qorshaynta magaalooyinka, guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, ilaalinta deegaanka, dhaqaalaha, sayniska iyo dalxiiska.
2. In la xoojiyo iskaashiga labada magaalo, iyadoo loo marayo martigalinta dhacdooyinka iyo bandhigyada ku saabsan arrimaha dhallinyarada, dhaqanka iyo hiddaha, tababarrada xirfadaha iyo ciyaaraha.
3. Dhiiri gelinta iyo hirgelinta dhammaan qorsheyaasha iyo mashaariicda ku qotama kor u qaadidda horumarinta guud ee labada magaalo.
4. Waaxda Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo Waaxda Xiriirka Dibadda ee Dawladda Hoose ee Ankara ayaa u xil saaran joogteynta xiriirika iyo isku-dubaridka shaqooyinka labada magaalo, iyagoo wakiil uga ah dawladahooda

.muqdisho-ankara-1 muqdisho-ankara-2 muqdisho-ankara-4 muqdisho-ankara-3

.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment