1830 Views

Sawirro:-Madaxweynaha K/Galbeed Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda UNSOM

Sawirro:-Madaxweynaha K/Galbeed Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda UNSOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Hay’adda Ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG waxay Warbixin dheer ka qortay Shaqsiyadda Mukhtaar Roobow, Mansabkiisii Ashabab, Isku-soo-dhiibistiisii DFS, Murashaxnimadiisa Madaxweynenimo ee K/Glabeed iyo Xariga ay DFS kaga hor joogsatay Hankiisa Madaxtinimo.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “K/Galbeed: Madaxweyne la caleemo-saaray iyo Xiisad Oloshay, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay Xildhibaanadda Deegaanka ee K/Galbeed u doorteen C/casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo Madaxweynaha K/Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray Warbixinta.

Rashiid Cabdi oo ah Cilmi-baare ka tirsan Hay’adda ICG ayaa qoray Warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato Falaanqeynta Dhacdooyinka ku xiriirsan Doorashadaasi iyo Xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, kaasi oo ay DFS ka reebtay Tartankii Doorashadii Madaxtinimadda ee Maamulka K/G.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/casiis Lafta-gareen oo horey Xildhibaan iyo Wasiir soo noqday inuusan Doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn DFS la’aanteeda.

Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay Soo-dhaweyntii DFS ee Mukhtaar Roobow iyo Murashaxnimadiisa Doorashadda K/G, taasi oo ICG sheegtay inay DFS markii hore  Murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo Madaxweynihii hore ee K/G ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

DFS waxay wax ka bedeshay Shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto Murashaxii Lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay.

Faragelintii DFS ee Doorashadii K/G waxay ICG ku tilmaamtay mid ay DFS  muhiimad ku siinayso in Nidaamka Maxaliga ee Awood-qeybsiga lala qeybsado Islaamiyiinta Muxaafidka ah.

Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay Islaamiyiinta caanka ah  ee  Sharciga Islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana Khabiir ka so oqeyb galay Dagaalki iAfganistan ee looga soo horjeeday Ciiddankii Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey Hay’ad Samafal Islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey.

Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin Tartan  haatan u dhexeeya  Siyaasiyiinta Islaamiga ah iyo kuwo Cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin Kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-jadiid iyo Al-ictisaam, waa sida ICG qortay.

Warbixinta waxay saadaalisay in Tartanka Kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro Doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment