867 Views

Illaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah oo la filay in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan

Illaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah oo  la filay  in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Illaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, iyagoo ka cararaya xiisadaha colaadeed ee ka jira dalka Ethiopia.

Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay.

Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa xadka ka gudbay ilaa 3 kun oo qaxooti Ethiopian ah, taasi oo tirada qaxootiga reer Ethiopia ee ku sugan Sudan ka dhigeysa ku dhowaan 60,000 oo qof.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo da’ay xuduudka ay sababeen in wabiga mara xadka kala qeybiya labada dal uu fataho halkaasina ay saddex qof oo Ethiopian oo isku dayayay in ay u gudbaan dhanka Sudan ku qarriqmeen.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo 400,000 oo qofna uu ku riixay gaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post