1005 Views

Kulan u socdo Midowga Musharixiinta & Wakiilada Beesha Caalamka

Kulan u socdo Midowga Musharixiinta & Wakiilada Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Waakiilada beesha caalamka ayaa waxaa xilligaan u socda Shir dhinaca Internetka ee Aalada (Zoomka).

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga.

Safiirada beesha caalamka ayaa wada dedaalo ay ku joojinayaan dagaalada Muqdisho, iyadoo aysan wali jirin wax wadahadal uu u socda dhinacyada dagaalamay.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid degan, walow markasta la filan karo dagaal maadaama dhinacyadii dagaalamay ay weli ku wada sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post