558 Views

Sudan oo sheegay in ay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.

Sudan oo  sheegay in ay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.
____________________________________________________________________________


isniin: September 27, 2021

Militariga Sudan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.

Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay in ay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay dhacdadaas.

Waxa uu sheegay in ay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay.

Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa in uu ka hadlo dhacdadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post