1002 Views

Wasiirkii arimaha Gudaha ee Galmudug oo sharci darro ku tilmaamay xilka qaadistiisa

Wasiirkii arimaha Gudaha ee Galmudug oo sharci darro ku tilmaamay xilka qaadistiisa
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Wasiirkii arimaha Gudaha ee Galmudug ee  xil ka qaadista ku sameeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii xilka looga qaaday.

Cabdi Waayeel oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in sharciga u yaalla Galmudug uu qorayo in madaxweyne ku xigeenku awood u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka oo kaliya, balse uusan xilka ka qaadi karin.

“Madaxweyne ku xigeenku waxa uu leeyahay shaqo ka joojin, laakiin xil ka qaadis awood uma lahan, waxaana aaminsanahay in sharcigu noo dhaxeeyo aniga iyo asaga, warqadaana macno gooniya iima lahan sababtoo ah sharci maaha,” ayuu yiri Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Waxa uu sheegay in arrinta golaha deegaanka degmada Balambal laga faafiyey warar been abuur ah, balse ka wasaarad ahaa ay u arkaan in sidii ugu habooneed ay u soo dhiseen xubnaha golaha deegaanka degmada Balambal ee Galmudug.

Sidoo kale Cabdi Waayeel ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uusan soo saarin amar lagu joojinayo dhismaha golaha deegaanka Balambal, xilli saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Wasiir Cabdi Waayeel uu dhegaha ka fureystay amar uu madaxweyne qoor Qoor ku joojiyey dhisamaha golaha deegaanka Balambal.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakiil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post