825 Views

Shir looga hadlayay dagaalka Al-Shabaab oo Dhuusamareeb ka dhacay

Shir looga hadlayay dagaalka Al-Shabaab oo Dhuusamareeb ka dhacay
____________________________________________________________________________

T
Mogadisho | QOL |  September 28 2020
—aliyaha qaybta afaraad ee ciidamada AMISOM Col. Cabdiraxmaan Riyaale Xareed oo maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa kulan looga hadlayay Amniga la qaatay Saraakiisha Taliska Qaybta 21-aad oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Gen. C/Casiis C/laahi Qooje.

Kulankan oo diirada lagu saarey howlgalada Al-Shabaab looga xoraynayo Galmudug ayuu taliska 21-aad uga mahad celiyay Ciidanka Jabuuti doorka ay ku leeyihiin howlaha socda.

Waxaa sidookale la isla eegay sida ugu haboon ee howlgalada loo balaarin karayo, si Al-Shabaab looga dulqaado shacabka soomaaliyeed ee ay dhibta ku hayeen wax ka badan 10-sano.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Qooje dagaari ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post