2559 Views

Madaxweynaha Puntland oo sameeyay isku shaandheyn

Madaxweynaha Puntland oo sameeyay isku shaandheyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 28, 2018 – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.

Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment