711 Views

Ciidanka Ahlusunna oo wata Gaadiidkooda dagaalka oo ku baxay wadada deegaanka Gowd wiil ee dhacda dhanka Waqooyi Beri degmadda Giriceel

Ciidanka Ahlusunna oo wata Gaadiidkooda dagaalka oo  ku baxay wadada deegaanka Gowd wiil ee dhacda dhanka Waqooyi Beri degmadda Giriceel
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 27, 2021

Ciidanka Ahlusunna oo wata Gaadiidkooda dagaalka ayaa ku baxay wadada deegaanka Gowd wiil ee dhacda dhanka Waqooyi Beri degmadda Giriceel.

Ahlusunna ayaa fariisinka ay ku lahaayeen Jaamacadda wax ay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen Dowladda kuna qabsadeen dagaalkii Bohol kal hore ka dhacay ma aysan ka xeysan labadaaa Gaari.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in Wadahadal uu gar wadeen ka yagay Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Sidoo kale xiriir aan la sameeynay Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dhanka dowladda ayaa iyaguna u sheegay Warbaahinta Galgaduud in uusan jirrin wax wada hadal ah lkn ay jiraan ganacsato qaab qabiil uga saaray ciidamo u dagaalamay Ahlusunna iyo Gadiid dagaal oo ay wateen.

Ciidamadda Dowladda ayaa hadda gallay fariisimihii xoogganaa ee Ahlusunna ku laheed halka loo yaqaanno Jaamacadda waxa ayna kawadaan baaritaano xooggan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post