1077 Views

Cabdullaahi Adan Kulane oo loo doortay Xubin kamid ah Gollaha shacabka.

Cabdullaahi Adan Kulane oo loo doortay Xubin kamid ah Gollaha shacabka.
____________________________________________________________________________


Isniin: February 14, 2022

Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug oo qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#040 ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kursigaasi.

Gursigga Waxaa kuwada Tartamayay labo musharax oo shalay qaaday  Shahaadada Musharaxnimada, kuwaa oo kala ah 1- Cabdullaahi Adan Kulane 2- iyo Xasan Cabdi Jaamac

Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in uu ka tanaasulay tartanka Xassan Cabdi Jaamac, iyadoona ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdullahi Adan Kulane, waxaana ogol ugu codeeyey 101 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Gudigga ayaa ugu danbeeyntii  sheegay in doorashada kursi HOP#040 uu ku guuleystay Cabdullaahi Adan Kulane oo helay 101 cod.

Waxaa xusid Mudan in Cabdullaahi Adan Kulane uu ahaa Sargaal sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post